Roble oo caawa la kulmaya Midowga Musharaxiinta

1678

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa xaqiijiyay in shirka loo balansanaa ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta uu caawa fiidkii dhacayo.
Boggiisa Twiterka ayuu afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahim macalimuu ku xaqiijiyay in uu dhacayo kulankan inkastoo uusan faahfaahin qodobada loogaga hadlayo kulankan.

“Shirkii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la ballansanaa Midowga Musharaxiinta waxa uu Inshallah Decale ka dhacayaa fiidkan, Wixii ku soo kordha waan idinla wadaagi doonaa.”ayuu yiri afhayeenka xukuumada Macalimuu.

Kulankan ayaa noqonaya mid kamid ah kulamadii uu ra’iisul wasaare Rooble layeelanayay Midowga Musharaxiinta iyadoo kulamadaana ay yihiin kuwo ay soo dhoweeyeen beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed.