Rodgers, Arteta, Vieira, Sancho, Willian, Emerson, Abraham, Aubameyang, James & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

1743

Suuqa kala iibsiga ayaan haatan furnayn iyada oo ayna kooxduhu la soo saxiixan karin wax xiddigo ah oo heshiisyo ku jira.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna jiri doonin waxa kooxaha reer yurub la xidhiidhinaya xiddigaha kala duwan.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya suuqa Janaury ee sanadka cusub oo ay inaga xigaan bilo iayab oo wakhtigaas la saxiixan kara xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalin leh ah idiinku soo gudbin doonta wararka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee ay qoraan wargaysayda.

Arsenal Oo Raadinaysa Badalka Tababare Emery:

Kooxda Arsenal ayaa isku dayi doonta in ay Bredan Rodgers kala soo wareegto kooxda Leicester City xilli ay diyaarsadeen Liis dheer oo ay doonayaan in ay ku badalaan tababare Unai Emery (Mirror).

Leicester City ayaa dalban doonta 14 milyan oo euro hadii ay Arsenal doonayso saxiixa tababare Brendan Rodgers (Telegraph).

Gunners ayaa sidoo kale xidhiidh la samaysay tababarihii hore ee kooxda Valencia ee Marcelino si uu u noqdo badalka Emery (Sun).

Tababarayaasha Mauricio Pochettino, Nuno Espirito Santo, Massimiliano Allegri & Carlo Ancelotti ayaa sidoo kale dhamaantood bartilmaameed u ah kooxda Arsenal (Telegraph).

Laakiin Milkiilayaasha Wolves ayaa diyaar u ah in ay u dagaalamaan sii haysashada tababare Nuno kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan (Mail).

Arsenal ayaa sidoo kale mar kale isku dayi doonta in ay Mikel Arteta ka soo qaadato Man City si ay ugu badasho Emery (Independent).

GO,aankii shaqada looga caydhiyay Emery ayaa la gaadhay Isniintii hore iyada oo lagu gaadhay dalka America (Mirror).

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Patrick Vieira ayaa meesha ka saaray in uu noqon doono tababaraha kooxda Arsenal inkasta oo lala xidhiidhinayo shaqada Arsenal (Mirorr).

Wararka Ee Suuqa:

Kooxda Borussia Dortmund ayaa xaqiijisay in uuna xiddiga Jadon Sancho ka tagi doonin suuqa January (Goal.com).

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa kooxdiisa ku dhiiri galiyay in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga Willian ka hor inta uuna suuqa January furmin (London Evening).

Kooxda Juventus ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga garabka daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Emerson Palmieri (Calciomercato).

Kooxda Real Madrid ayaa ka fiirsanaysa in ay Arsenal u soo bandhigto saxiixa xiddiga reer Colombia ee James Rodriguez si ay uga helaan saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang (El Desmarque).

Kooxda Inter Milan ayaa ugu cad-cad in ay la soo saxiixato weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud marka la gaadho suuqa January (Tuttosport).

Xiddiga weerarka uga ciyaara Barcelona ee Luis Suarez ayaa kooxdiisa u sheegay in ay midkood u dhaqaaqdo saxiixyada Tammy Abraham, Maxi Gomez iyo Lautaro Martínez (One Football).

Kooxda Inter Milan ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang hadii ay Barcelona u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Lautaro Martinez (TuttoMercatoWeb).

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigaha Wilfried Zaha & Jadon Sancho hadii laga qaado ganaaxa suuqa Marka la gaadho January (Sun).

Sii Akhriso: Daraasad Lagu Ogaaday Wado La Yaab Leh Oo Dheeraysa Cimriga Dadka Is Jecel