Rooble iyo Uhuru oo ku kulmay Mombasa +SAWIRRO

1175

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo booqanaya dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Labada masuul ayaa ka wada hadlaya xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen dhinacyo badan.

“Madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa lagu wadaa inay yeeshaan wada hadal labo geesood ah kaas oo looga hadli doono mawduucyo dan u ah Kenya iyo Soomaaliya.” ayaa lagu yiri war kooban kasoo baxay madaxtooyada Kenya.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo qaadan doonta saddex maalmood ayaa waxaa ku weheliya wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.