Rooble oo ku adkeystay mowqifkiisa

1500

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Somalia ayaa ku adkeeyay in doorashada Hogaanka guddiga doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland ay noqoto mid daah furan oo lagu qabto waqtigeeda.

Qoraal ka soo baxay xafiiska RW Rooble oo uu ku saxiixnaa Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu faray Hey’addaha dowladda iyo daneeyayaasha caalamiga inay kor joogteeyaan doorashada guddoonka guddiga oo maalinta Sabtida lagu qaban doono hoolka Afisyooni.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa dhowaan labo guddoomiye oo labo garab ah kala doortay, taasoo caqabad weyn ku keentay howshii doorashada kuraasta labada aqal, waxaana labada garab kala hogaamiya RW ku Xigeenka Mahdi Guuleed & Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Caashi.