Rooble Oo lakulmay Qoyska Ikraan Tahliil +SAWIRRO

1063

Ra’iisul Wasaaraha Xukuuamadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoyska Ikraan Tahliil la wareegay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadooda Ikraan oo aheyd gabar Sarkaalad ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu ku baaqay in si Deg-deg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee Ikraan Tahliil darteed loogu afdduubtay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xalay sheegay in Warbixintii Hay’adda NISA eek u aadan geerida Ikraan Tahliil ay tahay wax aan la aqbali karin, wuxuuna Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin u qabtay 48 saac inuu kusoo gudbiyo Warbixin dhameytiran oo ku aadan kiiskaan.

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaalad ka tirsan NISA oo la la’aan muddo laba Bil ay u gacan gashay Al-shabaab, kadibna ay dileen, wallow Al-shabaab beeniyeen Warka NISA, iyagoona iska fogeeyay.