Rooble oo magacaabay guddi soobaara xubnaha guddiga doorashada ee lagu muransan yahay

1433

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Guddigan uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble ayaana eegi doona cabashada rasmiga ah ee laga soo gudbiyay xubnaha guddiga farsamada Heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo kuwa xalinta khilaafaadka .

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa horey u sheegay in xubno katirsan Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya iyo shaqaalo dowladeed ku jiraan guddiga farsamada iyo xalinta khilaafaadka.

Heshiiskiii dhawaan Golaha wadatashiga Qaran ku gaareen teendhada Afisiyooni ayaa waxaa kamid aheyd in dib u eegis lagu sameeyo xubnaha cabashada laga keenay ee ku jira guddiga farsamada iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee horey loo magacaabay.
Rooble ayaa loo gudbiyey 16-ka xubnood oo ay tahay inuu bedelo sida ku cad heshiiskii ay 27 Bishan Muqdisho ku saxiixdeyn isaga iyo Maamul Goboleedyada, waxaana awood loo siiyey inuu bedelo xubnaha ay cabashada ka taagan tahay.

Rooble ayaa maraya mid kamid ah tijaabooyinkii ugu adkee ee lagu ogaan doono inuu dhex dhexaad ka yahay doorashada Soomaaliya iyo inuu yahay qof ay ka go’an tahay inuu fuliyo heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay 27 Bishaan.