Rooble oo Qaramada midoobay usheegay war layaab leh

1081

Raysalwasaare Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu Qaramada midoobay usheegay inaanu ka laba labayn doonin dedaalada uu cadaalada ugu raadinayo Ikraan Tahliil.

“Mawqifkaygu mabda’iyan waxa uu yahay in kiiska Ikraan uu helo baaritaan lagu kalsoon yahay oo madax bannaan iyo in dhammaan caqabadaha hortaagan in caddaalad loo helo Ikran iyo qoyskeeda meesha laga saaro.”

 

Rooble ayaa waxaa kale oo uu sheegay in uu wado dadaallo kala duwan oo ku aadan sidii looga hortagi lahaa in uu sii faafo khilaafka ka dhex taagan asaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

Raysal wasaare Rooble ayaa adkeeyay in kiiska ikraan aan la siyaasadeyn ee kaliya loo arko xaq uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay tahay in isku aragti laga ahaado.