Rooble oo xilkii ka qaaday wasiirka amniga mid kalane magacaabay

871

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii amniga xukuumadiisa Xasan Xundubay Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo mucaaradka katirsanaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha  Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Magacabaadiisa ayaa kusoo aadaysa xilli khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu ka dhex taagan yahay raysal wasaaraha iyo madaxweyne Farmaajo.

Wasiirkii hore amniga ayaa kamid ahaa golihii wasiiradda ee raysal wasaare Rooble uu magacaabay markii xilka raysal wasaaraha loo magacabaay.

Xilka qaadistiisa waxay kusoo beegantay xilli madaxweyne Farmaajo uu Fahad Yaasiin xil cusub u magacaabay kadib markii raysal wasaaruhu shaqada ka joojiyay.