Rooble,Laftagareen, Qoorqoor, & Guudlaawe oo kulmay +SAWIRRO

1110

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, kuwaas oo dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka oo gogal xaar u ahaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka furmaya Muqdisho, kaas oo uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, balse uu qaadacay ka qeybgalkiisa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, kaddib khilaaf weyn oo soo kala dhexgalay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo maalmaha soo socda, iyadoo hoggaamiyayaashu uga doodi doonaa dardargelinta doorashooyinka dalka, xal u helida cabashooyinka ka dhashay hannaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka BJFS iyo muddeynta waqtiga ay soo gaba-gaboobeyso.

Dhammaan madaxda Dowlad-goboleedyada ayaa ku sugan magaalada Muqdisho. Beesha caalamka ayaa taageertay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana ay sheegtay inuu muhiim u yahay dardargelinta doorashooyinka iyo xal u helida cabashooyinka ka dhashay qaabka ay u socoto doorashada Golaha Shacabka.