Roole oo booqday dhismaha xarunta xukuumadda iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha+SAWIRRO

578

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo hada heer gabogebo ah maraya.

Dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sannadihii ugu dambeeyay ka socotay xarunta Xisbiga ee ku dhegan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadiom.

Rooble ayaana kormeer ku maray qeybaha kala duwan ee xarunta ka kooban tahay, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha warbixino ka dhageestay injineerada iyo shaqsiyaadka kale ee gacanta ku haya dhismaha Xaruntan.

Ra’isul Wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhagax dhigay sidoo kale bilaabay dhismaha xaruntan loo dhisayo xukuumadda oo ku dhax shaqeesa xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.