Rugta ganacsiga gobolka Banaadir oo lakala diray

1854

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha DFS ayaa maanta soosaartay amar lagu kala dirayo maamulka Rugtii Ganacsiga ee Gobolka Banaadir.

Nuqul ka mid ah qoraalkasi oo soo gaaray Caasimadda Online isla markaana uu ku saxiixnaa wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in sababaha lagu kala diray maamulkaasi ay ka dhalatay magacaabistii maamulka Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in dhawaan wasaaradda, Gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo la tashanaya ganacsata gobolka ay soo magacaabi doonaan maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Hay’adda Nabad suggida ayaa dhawaan xirtay Gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir iyo ku xigeenkisa ka dib markii lagu eedeeyay in magacaabistooda ay Shabaab ka qeyb qaateen.

Magacaabista xubnahan ayaa waxaa dhowr maalmood un ka hor shaacisay idaacadda VOA oo sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah la isku mari waayey xilka guddoomiyaha ay ugu dmabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Ganacsiga