Ruushka iyo Iran oo ka wal walsan mustaqbalkooda Suuriya

82

Isbadal weyn oon horey loo saadaalin ayaa ka dhacay dalka Suuriya, waxaana xilka laga tuuray Madaxweynihii mayalka adkaa ee dalkaasi Bishaar Al Assad, oo ugu dambeyn lagu qasbay in uu dalkiisa isaga cararo isaga oo baxsad ah.

Dowladaha Ruushka iyo Iran oo ahaa awoodii Bishaar Al Assad ku heysay talada Suuriya ayey ku adkaatay in ay difaacaan saaxiibkood, waxa ayna ugu dambeyn kula taliyeen in xilka ka dego lana baxsado nafsadiisa iyo tan qoyskiisa.

Hadda waxaa isha lagu wada hayaa xaalada dalka Suuuriya sida ay ku dambeyn doonto, waxaa sidoo kale laga war dhoorayaa sida mucaaradka Sunniyiinta ee la wareegay talada dalka Suuriya ula macaamili doonaan dowlaha Ruushgka iyo Iran oo saldhigyo ciidan ku leh qeybo kamid ah Suuriya.

Dowladad Ruushka oo la sheegay inuu Asad iyo qoyskiisa magangelyo ka siiyey magaalada Moscow, ayaa sheegay in saldhigyada millatari ee dalkaas ay ku jiraan “feejignaan sare” balse ilo ka tirsan Kremlin-ka oo aan la magacaabin ayaa warbaahinta Ruushka u sheegay in ammaankooda ay dammaanad qaadeen fallaagada.

Xukuumadda Moscow ayaa ku baaqaysa shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay si looga tashado xaalka Suuriya iyo isbadalka aan horey loo saadaalin ee dalkaasi ka dhacay

Dowladda Iran oo iyana taageero naf iyo maalba la garab taagneyd Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suuriya Bishaar Al Assad ayaa sheegtay inay rajaynayso in xiriirka “saaxiibtinimo” ee kala dhaxeeya dalka Suuriya uu sii socdo.

Bayaan ay soo saartay, wasaaradeeda arrimaha dibadda waxay ku baaqeysaa “bilaabidda wadahadal qaran oo ay ku lug yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada Suuriya si loo dhiso maamul loo dhan yahay oo matalaya dhammaan dadka Suuriya”.