Ruushka oo Ciidamo geeyay Venezuela+SAWIRRO

1571

Labo kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka ay la socdaan ciidamo aad u hubeesan ayaa gaaray dalka Venezuela, xili dalkaasi xiligan wajahayo xiisad siyaasadeed iyo mid bini’aadanimo.

Wakaaladda wararka ee Sputnik oo Ruushka laga leeyahay ayaa xaqiijisay diyaaradaha iyo ciidamada la socda ee gaaray dalka Venezuela, waxa ayna Wakaalada sheegtay in ciidamadan fulinayaan qandaraas milatari.

Ciidamada Ruushka ee tagay dalka Venezuela ayaa la sheegay in ay ka badan yihiin 100-askari, waxa ayna ciidankan wataan saanad milatari oo aad u badan sida uu xaqiijiyay Wariye arkay.

Dowlada Ruushka ayaa xiriir dhaw la leh dalka Venezuela ee kuyaala Koonfurta Qaarada Amerika, waxa ayna Ruushka taageero u muujiyeen Madaxweynaha dalkaasi Nicolás Maduro oo Mareykanka kusoo rogay cunaqabateyn adag.