
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa si adag uga hadlay suurtagalnimada in Mareykanku weerar militari ku qaado Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, isaga oo caddeeyay in Moscow aysan ka aamusi doonin tallaabo kasta oo halis gelinaysa ammaanka Tehran.
Lavrov oo ka hadlayay xaaladda sii cakirmaysa ee Bariga Dhexe ayaa Iiraan ku tilmaamay saaxiib dhow iyo daris istiraatiiji ah oo ay Ruushku la leeyihiin xiriir qoto dheer oo ku dhisan iskaashi siyaasadeed, amni iyo mid dhaqaale. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in weerar lagu qaado Iiraan uu si toos ah u taabanayo danaha Ruushka iyo xasilloonida guud ee gobolka.
“Iiraan waa saaxiib dhow oo aan leenahay. Haddii la soo weeraro, gacmaheena ma laaban doonaan, mana eegan doonno. Waxaan si dhow ula soconnaa xaaladda ka taagan Bariga Dhexe,” ayuu yiri Lavrov, hadal si cad u muujinaya mowqifka adag ee Moscow ka qaadatay cadaadiska Mareykanka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa sidoo kale tilmaamay in tallaabo kasta oo militari ah oo ka timaadda Mareykanka ay sii hurin karto colaadaha gobolka, isla markaana ay khatar gelin karto nabadda caalamiga ah, gaar ahaan iyadoo Bariga Dhexe uu horeyba ugu jiray xaalad xasaasi ah oo ay ka jiraan dagaallo iyo xiisado is biirsaday.
Dhanka kale, Lavrov wuxuu xaqiijiyay in Ruushku uu diyaar u yahay inuu door muuqda ka qaato dhexdhexaadinta iyo xal u helidda qalalaasaha ka taagan Bariga Dhexe, isaga oo ku baaqay in la doorto waddooyin diblomaasiyadeed halkii laga adeegsan lahaa awood militari.
Hadalkan ayaa imanaya xilli uu sii kordhayo walaaca caalamiga ah ee ku saabsan xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, gaar ahaan arrimaha la xiriira barnaamijka nukliyeerka, cunaqabataynta dhaqaale iyo isku dhacyada dadban ee ka jira dalal dhowr ah oo Bariga Dhexe ah.
Falcelinta Ruushka ayaa loo arkaa fariin cad oo muujinaysa in Moscow aysan oggolaan doonin in saaxiibkeeda istiraatiijiga ah ee Iiraan lagu cadaadiyo awood militari, taasoo sii murjin karta isbahaysiga awoodaha waaweyn iyo mustaqbalka amniga gobolka.



















