Ruushka oo weerarkii ugu khasaaraha badnaa kuqaaday isbitaal kuyaal Kyiv+SAWIRRO

222

Weerar ay saraakiisha Ukraine ku tilmaameen kii ugu sheegeen mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaaayaa la xaqiijiyay in ciidamada Ruushka ay Isniintii shalay ku bartil-maameedsadeen isbitaalka carruurta ee magaalada Kiyif ee caasimadda Ukraine.

Madaafiicda lagu garaacay isbitaalka weyn ee carruurta ayay saraakiisha Ukraine sheegeen in lagu dilay ugu yaraan 41 qof oo rayid ah

Weerarkan ayaa noqday kii ugu waxyeellada badnaa oo muddo bila ah ay Ruushka ka geysato Ukraine.

 

Waaliddiin xambaarsan carruurtooda oo kasoo baxay isbitaalka la duqeeyay ayaa lagu arkayay bannaanka isbitaalka iyaga oo ooyaya. Dad badan oo isugu soo baxay goobta ayaa caawinayay shaqaalaha isbitaalka.

Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy, oo diyaarad uu ku safrayay ku hakatay dalka Polland, kahor inta uusan usoo dhaqaaqin magaaladan Washington D.C oo uu uga qeyb-galayo shir madaxeedka NATO, ayaa tirada ku dhamashada ku sheegay 37 ruux oo ay saddex kamid ah carruur yihiin.

Laakin tiradii ugu danbeysay ee khasaaraha weerarkaas ayaa gaartay 41. Wuxuu kale oo sheegay in dhowr weerar oo uu Ruushka shalay ka fuliyay caasimadda lagu burburiyay in ka badan 100 guri.
Wasaaradda gudaha Ukraine ayaa iyaduna xaqiijisay in ciidanka Ruushka ay duqeyn ku la beegsadeen magaalooyin ku yaalla bartamaha iyo dhanka bari ee Ukraine.