Ruushka oo xabsi dheer ku xukumay Paul Whelan +Sawirro

1458

Maxkamad ku taalla Ruushka ayaa 16 sano oo xarig ah ku xukuntay Sarkaal horay uga tirsanaa ciidamada badda ee Maraykanka oo ay u haysatay dambi ah inuu basaasi jiray.

Paul Whelan, ayaa lagu xiray hotel ku yaala Moscow 18 bilood ka hor, kaddib markii lagu helay xog sir ah oo dowladda Ruushka gaar u ahayd.

Maxkamadda magaalada Moscow ayaa ku heshay dambi ah inuu helay xog aanan la shaacinin oo sir u aheyd dowlada Ruushka.

Whelan oo sidoo kale haysta dhalashada UK, Canada iyo Ireland ayaa horay u dafiray eedeymahan, wuxuuna sheegay in uusan haynin xog ku saabsan dowladda Ruushka.