RW Rooble oo goordhaw magacaabaya wasiiradiisa cusub

2213

Aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia, waxaa habeenimadii xalay kulan ku yeeshay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iyo guddoomiyaha golaha shacabka Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa madaxda ka qaybgashay ay diiradda ku saareen magacaabista golaha xukuumadda Soomaaliya oo aan la magacaabin tan iyo markii Xildhibaanada Golaha Shacabka Codka kalsoonida ah siiyeen Maxamed Rooble.

Warar ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Rooble uu muddo 48 saac gudohood ah ku magacaabayo golaah wasiirkada isla markaana ay socdaan qorshayaashii ugu dambeeyay ee loogu dhawaaqayo golaha.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in suura-gal ay tahay in 50% xubnaha qaar ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ay soo laaban doonaan, halka inta kalena ay noqon doonaan shaqsiyaad ku cusub masraxyada siyaasadda.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa si aad ah laysugu hayey xubnaha kamid noqon doona golaha wasiirada ee ka soo jeeda deegaamada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana si gaar ah arrintaas isugu hayay Guddoomiye Mursal iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed.