RW Xamse oo tagay Mallka ugu weyn ganacsiga Soomaalida Islii+SAWIRRO

63

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey horumarka baaxadda leh ee dhanka ganacsiga ah ee ay gaareen Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeedinayay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Moolka BBS ee dhawaan laga hirgeliyey Nairobi, ayaa ganacsatada Soomaalida ku ammaanay kaalinta libaax ee ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo xusay sida ay muhiimka u tahay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan faa’iidooyinka iskaashiga ganacsi ee labada bulsho, ayaa ku boorriyay ganacsatada in ay sii wadaan hal-abuurka iyo ku dhaqanka mabaadi’da ganacsi ee suubban, si loo sii ambaqaado guulaha la gaaray.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay fududeynta wax kasta oo caqabad ku noqon kara horumarka ganacsiga Soomaalida, isaga oo carabka ku adkeeyay in la sii wadi doono dadaallada dib u dhiska iyo taageerada ganacsatada Soomaalida meel kasta oo ay joogaan.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa uu caawa ku tagay suuqa ganacsiga BBS Mall oo ahayd dhiirrigelin, ayaa markale xaqiijisay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay taageerada iyo horumarinta muwaadiniinteeda meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa ku hawllan ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.