Saacadaha La Ciyaari Doono Kulamada El Clasico oo lashaaciyay

2578

Xiriirka kubada cagta horyaalka La Liga ayaa Si Rasmi ah u shaaciyay saacada la ciyaari doona labada kulan ee El Clasico ee horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka cusub ee 2019/2020.

Horyaalka La Liga ayaa bilaabmi doona 16 bisha August kulan ku bilaabmi doona Atletico Bilabo iyo Barcelona halka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Celta Vigo.

Xiriirka La Liga ayaa wakhti hore soo saaray jadwalka horyaalka La Liga laakiin waxa ay haatan si Rasmi ah u shaaciyeen wakhtiga la ciyaari doono kulanka El Clasico.

Idaacada RAC1 ayaa sheegaysa in uu xiriirka La Liga go,aansaday in kulanka ugu horeeya ee La Liga ee El Clasico ee ka dhici doona Camp Nou 27 bisha October kana tirsan todobaadka 10-aad ee La Liga la ciyaari doono 4 galabnimo ee saacada Spain taas oo ku beegan 5 galabnimo ee saacada geeska Africa.

Kulanka kale ee ka dhici doona Bernabue kana tirsan todobaadka 26-aad ee dhici doona 1 bisha March ee sanadka soo socda ayaa la ciyaari doonaa 8:45 wakhtiga Spain kuna beegan 9:45 wakhtiga geeska Africa.