Saadaq John oo sareeye Guuto loo dalacsiiyay+SAWIRRO

3749

Ra’iisul wasaara ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa waxaa ay ka qeyb galeen munaasabad lagu dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyaga oo darajooyinka u xiray Saraakiisha la dalacsiiyay, Saraakiishan ayaa waxaa dalacsiiyey Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”

Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon) oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Saraakiisha Dhalinyarada ah ee la dalacsiiyay.

Mahad Korow (Gaashaanle)

Axmed Qadar (Gaashaanle)

Taliye Mooshin (Gaashaanle)

Yuusuf Xundubey(Gaashaanle Dhexe)

Bashiir Durqun (Gaashaanle)

Farxaan Maxamuud (Gaashaanle)

Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle)

Moha Jeego (Gaashaanle Sare)

Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guud).

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sanadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga Magalada Muqdisho.

“Ciidanka Booliska waa kuwa aan ku hurudno oo har iyo habeenba u taagan badbaadinta nafta iyo hantida shacabka, In la abaal mariyo oo la dalacsiiyo waxa ay tilmaam u tahay shaqada adag ee ay ka qabteen Amniga Caasimadda”. Sidaasna waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ing Yariisow oo ka qeyb galay Munaasabada lagu dalacsiinayey Saraakiisha Ciidanka Booliska dalka.

Si-kastaba tan iyo markii talada dalka Soomaaliya ay la wareegtay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya.