Sacad & Leelakse oo mag kala qaatay +SAWIRRO

1724

Shir maalmo uga socday degmada Galdogob beelaha wada dega galbeedka gobolka Mudug ayay heshiis ku wada gaareen labada dhinac. Heshiiska waxaa kamid ah in labada beelood mag ku kala qaateen 26 qof oo kaga dhimatay colaadii u dhexeysa beelahan.

Magta qofkiiba ayaa lagu qiimeeyay 33,000 oo doolar, iyadoo qeybta hore maanta odayaasha labada dhinac kala qaateen lacag dhan 10,000 oo doolar, waxaana qeybta dhiman lagu balamay in lagu dhameystiro magaalada Gaalkacyo.

Ka sokow, odayaasha dhaqanka labada beelood, sidoo kale shirka waxaa ka qeybgalay xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirkan oo wajigii kowaad lagu qabtay magaalada Bandiiradley ayaa hadda loo fadhiyaa degmada Galdogob, dhinacyada Ayaan si weyn ugu han weyn fulidda qodobada ay ku heshiiyeen beelaha ood wadaagta ay ee khilafka soo kala dhexgalay.