Sacdiya Salaad oo noqotay Haweenaydii Ugu Horraysay Oo Ku Guulaysatay Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Shacabka

759

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ku guulaysatay guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo ay wareegga saddexaad ku tartameen xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana-nuuga ayaa heshay 137 cod halka xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana-nuug oo helay 107 cod.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacab ayaa waxaa ku guulaystay xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo helay 146 cod halka Mahad Cabdalla Cawad uu helay 95 cod.

Labad guddoomiye ee la doortay ayaa lagu dhaariyey isla goobta.

Sidaas waxaa ku soo idlaaday doorashadii guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeenka oo xalay iyo caawa lagu kala doortay teendhada Afisyoni.