Sacuudiga oo hubaynaya Milateriga Sudan

61

Milatariga Suudaan ayaa lagu warramayaa inay dhawaan helayaan diyaaradaha dagaalka ee JF-17 oo ay wadajir usoo saaraan Pakistan iyo Shiinaha, taa oo ka dhigaysa ciidankii u horreyay ee gobolka oo lagu hubeeyo.

Pakistan waxaa kaloo ay ku wareejinaysaa ciidanka Suudaan ee muddada saddexda sanno ah dagaalka kula jira kooxda RSF , hub casri ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ku jiraan oo lagu qiimeeyay 1.5 bilyan oo dollar.

Waxaa la sheegay lacagtan inuu bixinayo Sacuudiga si meesha looga saaro RSF, si milatariga Suudaan u awoodaan la wareegista guud ahaan dhulka Suudaan , sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters, oo sheegtay wareejinta hubkan inay ku jiraan marxaladdii u dambeysay.

Sacuudiga , wuxuu u muuqdaa kaddib Yemen oo muddo toddobaad ah looga saaray kooxda STC ee Imaaraadka uu taageerro , oo gacanta dawladda la aqoonsanyahay Sacuudigana uu taageerro lagu soo celiyay 80% , in hadda howlgalka Suudaan uu diiradda saarayo in meesha laga saaro RSF.