Sadex Qoys Oo Isku Haysta Nin Sanado Badan Ku Xirnaa Itoobiya

2354

Sadex Qoys oo Somali Ah Ayaa Isku Haysta Nin Oday Ah oo Hada Lagu Hayo Magaalada Hargaysa , Ninkan Odayga Ah Ayaana Ka Soo Baxay Xabsi Itoobiya Ah oo u Ku Jiray mudo 43 Sano Ah

Wuxuuna ka Mid Ahaa Askartii Somaliya ee Itoobiya Ku Qabtay Dagaalkii 1977 kaas oo Mudo aad U Dheer Ku Jiray Xabsiyada Wadanka Itoobiya Sida Ay Sheegayan Qaar Ka mid Ah Qoysaska Hada isku Haysta

Sadexda Qoys ee Isku Haysta Ninkan Odayga Ah Ayaana Ka Soo Kala Jeeda Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag Degmada Caabud Waaq ee Gobolka Galguduud Iyo Degmada laas Caanood ee Xarunta Gobolka Sool

Qoyska Ka Soo Jeeda Degmada Ceel Afweyn Ayaana Hada Ah Midka Gacanta Ku Haya Ninkan oo Ku Sugan Magalaada Hargaysa Waxayna Magaciisa Iyo Magaca ka Maqan Ku Sheegeen Maxamed Askar Doonyo

Halka Qoyska Ku Sugan Degmada Caabud Waaq Ku Sheegay Magaciisa Maxamad Bulxan Cali Sidoo Kale Qoyska Ka Soo Jeeda Magaalada Laascaanod Ayaa ku Sheegay Magaciisa Iyo Magaca Ka Maqan Axmed Aw siciid Waxase Qoyskan Laasnood Laga Soo Sheegaya Inay Wataan Taarikh Ka Duwan Midka Labada Qoys ee Kale iyagagoo Dalbaday In Looga Qaado DNA

Qoyska Ku Nool Degamada Caabud Waaq Ayaa Waxaa U Hadlay Wariye Bulxan oo Ku Sugan Degmada Caabud Waaq Wuxuuna Sheegay Inay U Socdaan Hargaysa iyo Booqashada ninkan oo u ku sheegay Adeerkii La Dhashay Aabihii

Waa Sidee Xaalada Ninkan Odayga Ah

Xaaladiisa Xaga Maskaxdu Maaha Mid Fadhida Sida Laga Soo Sheegayo Kamana Jawaabayo Su,aalaha Muhiimka U Ah Cadayntiisa ee Sida Magaciisa Qabiilkiisa Degaankii U Ku Soo Koray Iyo Waxyaabaha U ka Xusuusto Yaraantiisi

Waxana Intaa U Dheer Inuu Xanaaqayo Hadii La Waydiiyo Magaciisa Iyo Qabiilkiisa Waxase Laga Hayaa Inuu Mar Sheegay Inuu Waa Hore Yaraantiisi Qayb Ka Mida Magaalada Cadan Joogi Jiray Iyo Inuu Ku Soo Koray Yaraantiisi meel Ay Ku Badan Tahay Geedka Loo Yaqaan Qalan Qasha oo Ah Mid ka Mida Geed Qaabka Ku Badan Gobolada Sool Iyo Sanaag.