Sadexda Faa`ido Oo Ay Arsenal Ka Dhaxashay Unai Emery

1633

* Gelitaankii suuqa: Marka aan sidaas leenahay waxay ay tahay, inuu kooxda keenay xiddigii kooxda ugu qaalisanaa Taariikhda ( Pepe ) laakiin nasiib darro ma uusan gurin Mirihiisa oo waa ka faa“idaysan waayey.

Wuxuu lacag u quuray Lucas Torreira oo ka mid ah bur-buriyaasha ugu fiican caalamka, iyo midka mid ahaa laacibiintii ugu fiicnaa koobkii aduunka…laakiin somehow…. waxaa asiibtay Taatikadii aan weli la fahmin ee Unai waxana uu liinta ku cabayaa kursiga kaydka..

* Soo saaristii Da`yar mustaq bal leh: Matteo Guoendouzi ayaa ahaa miraha ay Arsenal guran doonto ee uu Unai abuuray, inkastoo Tabar yar xun haysto oo nafaqo badan u baahan yahay, hadana waxa uu haystaa mustaq fog oo Gunners ah.

Saka iyo Joe Willock ayaa ah ubax-yo kale oo uu fursad siiyey, inkastoo Beeritaankoodii uu Wenger iska lahaa, hadana maanta waxay haystaan fursad ay kooxda kowaad uga soo muuqan karaan..

* 22- Kulan oo Guuldarro La`aan aha iyo Finalkii Eurupe League : xilli ciyaareedkii horre Arsenal waxay qaadatay midka mid ah kulamadoodii ugu fiicnaa iyagoona qaatay 22-kulan oo xiriir ah oo aysan aqoon sida loo guuldaraysto, iyadoo 11- kulan oo ka mid ah si xiriir ah u wada guulaystay Tartamadda oo dhan.

Daafacu wuxuu ahaa mid isku xiran,weerarki waxa uu ahaa mid lugu najaxay, khadka dhexe Askari Torreira ayaa atoore ka ahaa, halka Leno ahaa shabeelkii shabaqa, laakiin nasiib darro maanta daafaca, khadka dhexe, weerarka iyo xataa goolhayahu waa Buskud shaah lugu dhex qooshay, waxayna taasi la micno tahay in waxaskata oo uu wanaajiyey gadaal ka xumeeyey..

Inuu Arsenal qarka u saaray qaaditaanka koobkoodii ugu horeeyey oo Yurub ah ayaa ah wax kale oo lagu xasuusan doono, laakiin Rubaaciyah khasaaro ah ayuu Deriskooda Chelsea kala kulmay Finalkii Eurupe League ee xilli ciyaareedkii horre.

Fikirkaaga gadaal noogu reeb,  maxay tahay waxa wnaagsan ee laga dhexlay Unai Emry`?.

Â