Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho oo beenisay war lagu faafiyay baraha bulshada

226

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ee Soomaalida iyo Itoobiyaanka aad loogu faaqiday sawir laga qaaday qoraal uu qoray wargayska African Heral oo ka mid ah warbaahinta ka howlgasha gudaha dalka Itoobiya.

Xogta uu baahiyay wargeyskaas oo ay iska fogeysay dawladda Maraykanka ayaa dhigeysay wax ay ku sheegeen nuxurka wadahadalka dhexmray ergayga Maraykanka u qaabilsan Afrika oo tagay Muqdisho iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wargeyskan ayaa maqaalka uu daabcay waxaa uu ku sheegay xog ay iska fogaysay dowladda Maraykanka oo ku saabsanayd in ergayga Maraykanka ee Afrika Mike Hammer uu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee bilowgii sanadkan ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Wargayska ayaa qoraalkiisa ku xusay in Ergeyga Mareykanka ee Afrika uu soo hadal qaaday in la ixtiraamo xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo la muujinayo faa’iidooyinka ka dhalan kara xiriirkaas uu u leeyahay nabadda iyo horumarka gobolka.

Sidoo kale siyaasiyiin kala duwan ayaa barahooda internerka soo dhigay sawirka laga qaaday maqaalka Wargeyska, kaas oo ay siyaabo kala duwan looga falceliyey.

Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa barteeda twitter-ka (X) waxay ku beenisay xogta ku qoran magaalka Wargeyska Afrikan Herolad oo ay ku sheegeen mid been abuur ah.

“Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan hadal la sheegay inuu ka soo yeeray ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer oo ku saabsan Soomaaliya waa been abuur,”ayaa lagu yir qoraalka ka soo baxay safaaradda.

Ergayga Maraykanka ee Afrika ayaa horay u cadeeyey mowqfika Maraykanka ee ku aadan xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya isagoo yiri, “Sida aan marar badan ku cecelinay Mareykanka waxa uu aqoonsan yahay madaxbanaanida, Midnimada dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay Somaliland, waxaan aaminsanahay in arrinta Somaliland ay tahay mid quseeysa dadka Soomaalida oo keliya ah” xilliga uu hadalkaan yiri Mike Hammer wuxuu ka qeyb gelaayey shirkii madaxda urur goboleedka IGAD ee bilowgii sanadkan ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.