Safiirka cusub ee Ingiriiska u soo magacaabay Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho

1584

Safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacawday Soomaaliya Ben Fender OBE ayaa si rasmi ah uga shaqa bilaabay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu todobaadkan soo gaaray caasimadda dalka.

Danjire Ben Fender OBE oo bedelay Safiirkii hore David Concar ayaa muuqaal la soo dhigay barta Twitter-ka kaga hadlay shaqada cusub uu ka qabanayo Soomaaliya, kuna faraxsan yahay howsha cusub ee uu dalkiisa wakiilka uga yahay magaalada Muqdisho.

Ben Fender ayaa ka hor inta aan loo magacaabin Safiirka Somalia hayay xilka madaxa siyaasadda amniga ee xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska, wuxuuna hore usoo noqday ku xigeenka safiirka UK ee dalka Iran.

Safiirka cusub ayaa ka soo shaqeeyay dalal badan sida Afghanistan, Iran, France,Sierra Leone iyo waddamo kale oo uu ka soo qabtay shaqooyin kala duwan isaga oo wakiil ka ah dalka Ingiriiska.

Ingiriiska ayaa ka mida dalalka sida dhaw u daneeya arrimaha Somalia, waxayna ku marti­gelisay London dhowr Shir oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Safaaradda Ingiriiska ayaa ku taalla gudaha xarunta Xalane ee xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha, waxaana ay ka shaqeysaa oo kaliya arrimaha diblomaasiyadda ee ku wajahan Somalia, waxaana Muqdisho ku sugan Saraakiil Milateri oo taageero siiya Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.