Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar oo geeriyooday

1539

Dalka Kuwait waxaa ku geeriyooday Safiirkii dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta C/qani Maxamed Waceys, waxaana safiirka u geeriyooday xanuun mudooyinkii dambe hayay.

Danjiraha ayaa la sheegay in uu u geeriyooday xanuunka macaanka ama sokorta uu mudo badan qabay, waxaana Danjiraha uu ahaa diblumaasi mudo badan usoo shaqeeyay Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya.

Masuuliyiin iyo dad badan oo aad u yaqaanay danjiraha ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid, waxa ayna ilaah uga baryeen eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday in samir iyo iimaan ilaah ka siiyo.

Danjire C/qani Maxamed Waceys ayaa Wasaarada arimaha Dibadda Soomaaliya kasoo shaqeenayay mudo dheer, waxa uuna danjire dowlada Soomaaliya uga soo noqday dalal ay ku jiraan Liibiya iyo Masar.