Salaad Cali Jeele” Cumar Cabdirashid waxa uu abaabulayaa Banaanbax +VIDEO

2437

La Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in la qaban qaabinayo banaan bax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya, kaasoo uu ku eedeeyay inay wadaan Mucaaradka iyo Xisbiyada fadhigooda yahay Muqdisho.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in banaan baxyada la abaabulayo lagu bixinayo dhaqaale laga soo qaaday Imaaraadka Carabta ah, isagoo xusay in la doonayo in lacag la siiyo barakacayaasha, si ay dibad baxyada uga qeyb geliyeen.

“Waxaa la abaabulayaa banaan bax ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo ay qaban qaabinayaan mucaaradka iyo Xisbiyo halkaan fadhiya, waxaa banaan baxa la rabaa in lagu wiiqo jiritaanka umadda iyo dowladnimada, waxaa ognahay in dad u adeegaya dowlado shisheeye ayaa banaan baxan wada”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle ayaa si gaar ah ugu eedeeyay banaan baxaas inay wadaan siyaasiyiin uu ka mid yahay Senator Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, oo uu xusay in aanu weligiis ka soo qeyb Kulamada Aqalka Sare.

“Imaaraadka Carabta ayaa dhaqaale ku bixinaya waxyaabaha ka dhanka ah jiritaanka dowladda, Cumar C/rashiid ayaa ka mid ah oo Senator ka tirsan Aqalka Sare oo ku nool Imaaraadka”ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Salaad Cali Jeelle oo marna sheegta inuu yahay Guddoomiye Xisbi kana mid ah la taliyeyaasha Madaxweynaha ayaa mararka qaar si Afhayeen ahaan ugu hadla dowladda Soomaaliya, si adagna u difaaca dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana erayo kulul uu ku weerara siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyadoo la xusuusto sida uu u mucaaradi jiray dowladdii uu hoggaaminayay Xasan Sheekh xilligii uu mucaaradka ahaa.