Saleebaan Gaal oo kahadlay booqashada Framaajo ee Hargaysa

1806

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay wararka soo baxayay oo sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu tagayo Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu sheegay in arrinkaasi uu Soomaalland cadaadis iyo codsiyo dhowr ah uu so jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,isla markaana oo ka codsaday inay labada yimaadaan Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliland diidey in Madaxweyne Farmaajo yimaado Hargeysa,hayeeshee tira laba jeer ah uu codsigaas u soo gudbiyey Ra’iisul Wasaare abiy Axmed.

“Tira laba jeer ah ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed naga codsadey in Farmaajo yimaado Hargeysa anagana waan ku celinay,marnaba Soomaaliland ma ogolaaneyso in Madaxweyne Farmaajo yimaado Hargeyso ayuu yiri”Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland.