Sanbalooshe oo saraakiil fara badan xilka qaaday

95

Agaasimaha Guud ee NISA oo tallaabo culus qaaday ayaa maanta isbeddel ku sameeyay hoggaanka hay’adda Nabad-sugidda, isaga oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis.

Sanbaloolshe ayaa Taliyaha Nabadsugidda ee Gobolka Banaadir loo magacaabay Cabdifitaax fataax Shaaweeye, waxaana xilkaas horay u hayay Muxiyaddiin Warbac.

Shaaweeye ayaa xilal kala duwan horay usoo qabtay, isaga oo soo noqda taliye ku xigeenka NISA ee gobolka Banaadir, marna soo qabtay xilka guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Nabadsugida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loo magacaabay Cabdulqaadir Xaayow, waxaana xilkaas laga qaaday Gaashaanle Sare Xamdi oo dhowaan uun uu dalacsiiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaayow wuxuu horay usoo noqday taliyaha Nabad-sgidda ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sidoo kalena waxa kasoo shaqeeyay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar

Dhinaca kale Muxidiin Warbac oo isna labadii sano ee la soo dhaafay ahaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Kaaliyaha Amniga ee hey’adda NISA.