Saraakiil ka tirsaneyd militeriga DF oo lagu laayey Galmudug

1350

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay weerar jidgal ah ku qaadeen Gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug.

Maleeshiyaadka ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gaadiidka oo ay wateen saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milalteriga soomaaliya ayaa rasaaseeyay xilli ay marayeen Saraakiishaas ayaa lagu weeraray deegaan lagu magacaabo Cagfaroge oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Balambal iyo Guriceel ee galbeedka gobolka Galgaduud.

Wararkii ugu dambeeyey ee aannu ka helayno Dhusamareeb ayaa sheegaya in weerarkaasi ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ay kala kulmeen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiidka dagaalka soo gaarey.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan lix ruux oo isugu jira saraakiil iyo askar ay ku gaariyoodeen in ka badana dhaawacyo ka soo gaareen inkastoo aan ilaa hadda la shaacin haybta ragga weerarka ku qaaday saraakiisha ciidamada dowladda.