Saraakiil katirsan Shabaab oo lagu daray Liiska Argagaxisada

1411

Dowlada Mareykanka ayaa liiska waxa loogu yeero kooxaha argagaxisada ee sida weyn loo baadi goobayo ku dartay saraakiil katirsan kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya,

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu shaaciyay liiska argagixisada lagu daray labo sargaal oo katirsan Al Shabaab laguna magacaabo Cabdulaahi Cusmaan Maxamed iyo Maalim Ayman.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Cabdulaahi Cismaan oo loo yaqaanno Injineer Ismaaciil uu yahay khabiir kooxda Al Shabaab u qaabilsan samaynta waxayaabaha qarxa isaga oo maamula howlaha samaynta iyo fulinta qaraxyada ay guud ahaan kooxdaasi fuliso.

Warkan kasoo baxay Wasaarada arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Cabdulaahi Cismaan ku magacaaban yahay madaxa warbaahinta ururka Al Shabaab ee Al Kataa’ib, sidoo kalana ah lataliyaha amiirka Al Shabaab.

Ninka labaad ee liiska aragagaxisda la baadigoobayo lagu daray ayaa ah Maclim Ayman. Sargaalkan ayaa ah madaxa kooxda lagu magacaabo Jaysh Ayman oo u qaabilsan shabaabka in ay fuliyaan werrarada inta badan ka dhaca dalka Kenya.

Qoraalka dowlada Mareykanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Macalin Ayman ahaa maskaxdii abaabushay weerarkii bishii janaayo ee sanadkan Al Shabaab ku qaadeen xerada Camp Simba ee dalka Kenya oo ay degnaayeen ciidamo Mareykan ah.

Weerarkan ka dhacay xerada Camp Simba ayaa lagu dilay askari katirsanaa ciidamada Mareykanka iyo labo nin oo qandaraasleyaal ah oo iyana u dhashay isla dalka Mareykanka kuwaa oo ku sugnaa xerada la weeraray.