Sargaal sare oo Goordhaweyd Lagu Dilay Boosaaso

1787

Waxaa koox hubeysan ay toogasho ka fuliyeen Magaalada ganacsiga Puntland Ee Boosaaso,waxaana mar keliya xaaladu is badeshay.

Dableyda ayaa bistoolado watay waxayna dhowr Xabo ku shanaqeen Sargaal katirsanaa Ciidamada Ilaalada Waddooyinka Taraafikada loo yaqaan.

Xaafada Isgoyska Gaaco ayuuna dilka ka dhacay waxaana Ciidamo badan lagu soo daadiyey Halkaasi oo howlgal ballaaran sameenaya.

Waxaa lasoo sheegayaa in hakad uu galay dhaq dhaqaaqii isgoyska gaaco,kadib Dilka waxaana meydka laga qaaday Halkaasi.

Amniga Boosaaso ayaa waxaa kusoo badanayey Muddooyinkii dambe dilalka qorsheysan,iyadoo laamaha Amniga Gobolka Bari ay sheegeen in gacan ku dhiiglayaasha Sargaalka dilay ku raad joogaan sidii loo soo qaban lahaa.