Save children oo kaqaylisay xukun dil ah oo Puntland ku riday dhallinyaro Al-Shabaab katirsan

753

Hay’adda Save the Children ayaa ugu baaqday madaxda dowladda Soomaaliya in ay soo farageliyaan xabsi dheer iyo xukun dil ah oo ay Punland ku riday 6 dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Alshabaab kana dambeeyeen dilal qorshaysan oo Gaalkacyo ka dhacay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dhowaan dhallinyaradan oo qirtay in ay geysteen dilal iyo Qaraxyo, waxay afar kamid ah  ku riday xukun dil toogasho ah, halka labo kalena ay ku riday  xabsiyo u dhaxeey 20 illaa 40 sano.

Dhallinyaradan ayaa bishii Oktoobar 2020 laga qabtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo lagu eedeeyay inay katirsan yihiin Alshabaab.

Hay’adda Save children ayaa sheegtay in dhallinyarada la xukumay ay da’dooda tahay 15 jir, inkastoo Puntland ay sheegtay in ay yihiin 19jir.

“Aad baan uga walaacsannahay in dhallinyaradan lagu xukumo dil iyo xabsi dheer – iyadoon loo eegin dambigooda – ma ahan mid ka hortag ah, waxaana hubaal ah inaysan waafaqsanayn heerarka caalamiga ah ee ay Soomaaliya aqbashay. Wiilashani waxay mudan yihiin fursad dhaqan celin ah, waxaana ku boorineynaa dowladda inay xaqiijiso cadaaladda, ayuu yiri Maxamuud Maxamed Xasan, agaasimaha hay’adda Save children ee Soomaaliya.

“Waxaan ku boorinaynaa dawladda Puntland inay xoojiso dhaqan gelinta xeerka caddaaladda carruurta Puntland, si loo ilaaliyo loona daweeyo dhammaan carruurta ay da’doodu ka yar tahay 18 jir si waafaqsan heerarka xuquuqda carruurta,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Save the Children waxa ay sheegtay in ay soo dhawaynayso horumarka ay Puntland ka samaysay hirgelinta sharciga caddaaladda carruurta. Waxay kaloo sheegtay in ay ka go’an tahay in ay sii wadato wada shaqaynta iyo taageerada Puntland si kor loogu qaado ilaalinta carruurta.