SAWIRO:- Kenya oo badal kusamaysay taliyaheedii ujoogay Somalia

1837

Taliye cusub ayaa la wareegay Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya qeybtooda AMISOM waxa uuna xilka kala wareegay Taliyihii isaga ka horreeyay,oo mudo sanad ah xilkaasi haayay.

Taliyihii hore ee Ciidanka Kenya qeybtooda AMISOM,Dickson Rutto ayaa xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub ee Ciidanka Kenya Paul Njema sida lagu sheegay war ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Munaasibadda Xil wareejinta ayaa waxaa ay ka dhacday Taliska qeybta 2aade ee AMISOM oo ku yaalla Magaalada DHoobleey ee Gobolka Jubada hoose.

Rutto , ayaa u mahadceliyay Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya oo uu muddo sanad ah u ahaa Taliye,kuwaas oo uu sheegay in muddadii uu Taliyaha u ahaa ay si waangsan ula shaqeeyeen.

Intii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Kenya ee AMISOM qeybteeda 2aad waxaa uu sheegay in mahsaariic kala duwan ay ka fuliyeen Gobolka Jubada hoose sida nadiifinta Waddooyinka, dawo siinta dadka rayidka ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in intii uu ahaa Taliyaha ay Ciidamadiisa ku guuleysteen sugida amniga degaanka ay joogaan, hoosna u dhigeen Weerarrada AL-shabaab ka geystaan degaannada Jubaland.

Taliyaha cusub ee xilka la wareegay Njema, ayaa sidoo kale isna u mahadceliyay shaqada uu qabtay taliyihii ka horreeyay,waxaana uu xusay in halkeeda ka sii wadi doonaan.

Waa Taliyihii 8aad ee Ciidanka Kenya taliye ka noqda tan iyo markii ay soo galeen gudaha Soomaaliya Bishii October sanadkii 2011kii,oo waxa ayna inta badan Saldhigyo ku leeyahiin Ciidanka Kenya ee AMISOM qaybta ka ah Gobolka Jubba Hoose iyo deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.