SAWIRO: Madaxweyne Xaaf oo kadhoofay Garowe

1709

Madaxweyne Xaaf ayaa saaka ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha G.Maxamed Abshir kadib markii uu fashil ku idlaaday Shirkii Wadatashiga.

Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole, xubno ka tirsan Golaha Barlamaanka qaranka iyo qaar kamid ah Golaha wasiirada DG Galmudug ayaa Ka sagootiyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garowe.

Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlay Garowe ayaa si kooban uga hadlay sababaha keenay burburka ku yimid shirka wada-tashiga DFS iyo Dowlaha xubnaha ka ah DFS, waxaana uu eedeyn u jeediyay Madaxda dowladda.

Waftidiga madaxweynaha ayaa gaari doona magaalada Nairobi.