SAWIRO:-Qaraxii ka dhacay Muqdisho

1964

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir,waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaas.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey waxyaabah qarxa lagu weeraray Xarunta, xilligaas oo dad Barakacayaal ah deeq kala duwan loogu qeybinayay,sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Gawaarida Gurmadka deg dega ayaa goobta tegay,waxaana sidoo kale gaaray Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Doowladda Soomaaliya,kuwaas oo dadka u diidaya inay tagaan halka uu qaraxa ka dhacay.

Xarunta Degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir ayaa ku taalla dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana ay dhowr tallaabo u jirtaa Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada ay gaareyso ugu yaraan labo ruux iyo dhaawac kale, inkastoo aan la heyn faah faahin rasmi ah.

Xoghayaha degmada Wardhiigley Cali Aadan Warsame ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa.