SAWIRO:-Rag lagu edaynayay Weerarkii Jaamacada Gaarisa oo dambi lagu helay

1582

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa saddex nin ku heshey dambi ah iney in Al-shabaab ay ka gacan ku siiyeen weerarkii ay ku qaadeen Jaamac GaArissa oo ay ku dileen 148 qof, kuwaasi uu badnaa Ardeydii Jaamacadaasi.

Mohamed Abdi Abikar, Hassan Aden Hassan iyo Rashid Charles Mberesero ayaa la xukumi doonaa 3da bisha July ee soo socota sida uu sheegey Francis Andayi oo ah madaxa garsoorka ee magaalada Nairobi.

Sahal Hussein oo kamid ahaa ahaa afarta nin ee loo heystey eedda la xiriirta gacan ku siinta Al-shabaab ee weerarkii Jaamacadda Gaarisa ayaa dambi lagu waayey.

Labadii bisha April ee sanadkii 2015 ayaa afar nin oo hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ee xiriirka la leh ururka Alqaacidda ay weerar ku qaadeen jaamacadda GAarissa,

Afarta nin ee waarerka geysatey ayaa iyagana lagu diley jaamacaddii ay weerarka ku qaadeen.

Al-shabaab ayaa weerarkaasi ku sheegtey fal ay uga aar-gudanaysay ciidamada Kenya oo Soomaaliya ka wada howl-gallo ka dhanka ah Al-Shaab oo halkaasi ay xaruntoodu tahay.

Weerarkii jaamacadda Gaarisa ayaa noqdey weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado gudaha dalka Kenya waxii dambeeyey weerarkii Alqaacidda ay ku qaaddey safaaradda Mareykanka ee Kenya sanadkii 1998kii halkaas oo lagu diley in ka badan 200 oo qof.