SAWIRO:Diyaarado dagaal oo xalay dad kulaayay Kuunya-Barrow

1775

Xalay saqdii dhexe ayaa diyaarado dagaal waxa ay duqeyn dhinaca cirka ah ka geysteen deegaanka Kuunya-Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Duqeyntaas ayaa waxa ay geysatay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo u badan dad shacab ah oo ku nool deegaanka la duqeeyay ee Kuunya-Barrow.

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirrada Goobaha la duqeeyay iyo khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay duqeyntaas,iyada oo weli aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda duqeyntaas.

Laba ruux oo kala ah Macalin dugsi Quraan,Cunug Yar ayaa ku dhintay halka Hooyada dhashay Cunuga yar ay ku dhaawacantay.

Sawirro laga soo qaaday Goobta duqeynta lala bartilmaameedsaday ayaa muujinayay burburka Guryo ay lahaayeen dad Shacab ah iyo goobo Ganacsi,waxaana Shabaab ay Baraha Internet-ka ay ku faafiyeen Sawiradaas.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo isna la hadlay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa sheegay in duqeymihii xalay ka kala dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose khasaaro lagu gaarsiiyay Al-Shabaab wallow uusan shaacin tiro rasmi ah.

Mareykanka ayaa inta badan duqeymo dhinaca cirka ah ka geysta deegaanada ay Gobolada qaar ee dalka ka joogaan Al-Shabaab,waxaana uu sheegaa in uu ku dilay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.