SAWIRRO Banaanbax ka socda Cadaado

1541

Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa goordhow ka bilaawday banaanbax looga soo horjeedo go’aankii uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah Shacabka Magalada Cadaado iyo Odayasha iyo waxgaradka Cadaado ayaa ka qeyb galaya dibadbaxa,waxaana ay wataan boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku diidan yihiin Go’aanka Ra’iisul Wasaaraha.

Qaar ka mid ah Waxgaradka Cadaado oo banaanbaxa ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda federaalka ay cadaalad darro ku sameysay dadka Magalada Cadaado,isla markaana heshiisydii horay loo galay looga baxay.

Waxaa ay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen inay ka laabtaan Go’aanka ah in in doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb,isla markaana dadka Reer Galmudug ay u baahan yihiin Dib u heshiisiin.