Sawirro: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadda soo hadlay

1514

Siyaaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay rasaas ay Ciidanka Dowladdu ay ku fureen dad bannaanbaxayaal ah oo ay hoggaminayeen qaar ka mid ah midowga musharixiinta.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in xabado oodda looga qaaday shacab iyo hogaamiyayaal ka kid ah midowga musharixiinta, kuwaasi oo uu sheegay in ay si nabad ah u mudaaharaadayeen. Waxaana intaa uu ku daray in Ciidankaasi ay ahaayeen kuwao ka amar qaata madaxweyne farmaajo.

“Maleeshiyaadka xabadda ooda uga qaaday shacabka iyo hogaamiyayaalka sida nabadda ah u mudaaharaadayey ee ka amar qaataan kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo danbiga ayey isku sii badinayaan. Way dhowdahay maalintii marinkooda la marin lahaa. Reer Muqdisho waxaan leeyahay dhiigya cabka waad aragteen, waxaa idiin dhiman in aad iska dhicisaan” ayuu yiri CC Shakuur.