SAWIRRO;- Caleema Saarka Maamulka Cusub Degaanka Qor.qoora Gobolka mudug.

1652

Degaanka Qor qoora ayaa 30 K/M dhanka bari kaga beegan Magaalada Gaalkcyo.

Ayaa ka mid ah Degaanada Soo koraya Islamarkaana xiligaan laga Dareemayo isbadalo kala duwan oo dhanka Hormarinta ah
Bulshada degaankaas ayaa markii labaad Doorayana Maamul ay ku mideysan yihiin ka shaqeyn doona Hormarinta Degaanka

Munaasabada lagu Caleema Saarayay Maamulka Cusub Degaanka waxaa ka qeyb galay Maamulka Gobolka kan Degmada Gaalkcyo Galmudug. Gudomiyaasha Degaanada kale Ee Gobolka mudug
Culima udiinka Degaanka
Ururada Dhalinyarada Haweenka iyo Qeybaha kala duwan Ee Bulshada Degaankaas.

Dhamaan Dadkii ka Munaasabada ayaa Hambalyo iyo Bogaadin Ujeediyay Maamulka Cusub Ee Degaanka Qor.qoora Gobolka mudug Galmudug.

Gudomiyaha Cusub deganaka Qor.qoora Cabdulaahi Abshir. Iyo Ku Xigeenkiisa ayaa Xusay in ay ka shaqeyn donaan Hormarinta Degaanka. Si Bulshada Magaaladaas ay uhelaan Adeegyo Aasaasiga ah Ee Bulshada.

Halkaan ka daawo Sawirada.