Sawirro:-Ciidamo Ka Tirsan Somaliland Oo Ku Biiray Maamulka Puntland

1581

Wararka aan ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku sugnaa deegaan ka tirsan Gobolkaas saakay ay ku biireen Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland.

Ciidamadan oo ka tirsan Guutada 93aad ee Somaliland kuna sugnaa deegaanka Ceelbuh ee Gobolka Sanaag ayaa la sheegay in ay ku biireen Ciidamada Puntland ee jooga qeybo kamid ah Gobolkaas.

Puntland ayaa sheegtay in Ciidanka Somaliland ka soo baxay ay yihiin kuwii ugu dambeeyay u joogay Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag,waxaana hogaaminayay Gaashaanle Mustafe Siciid Toor,isla markaana watay gaadiika nooca dagaalka ah.