SAWIRRO:- Ciidanka Amaanka Galmudug oo Xal waara ka Gaaray Xiisad Colaadeed oo in badan ka taagneed Galgaduud,

1655

Taliyaha Qaybta 21-aad , Gen: C/Casiis C/Laahi Cabdi “Qooje” Iyo Saraakiil ka Tirsan Taliska ayaa Deg: Huurshe iyo Deg: Xeraale kula Kulmey Odayaasha Dhaqanka oo ay kawada Hadleen Amniga iyo Kaalinta Bulshada , Odayaasha ayaa Ciidamada ku Amaaney Sida ay u Ilaaliyeen Nabada iyagoo Kaah-shanaya
Bulshooyinka Deegaanka .

Taliyaha Qaybta 21-aad oo Kormeer ugu Tagey Ciidamada Kala Duwan ee Deegaanadaa u Jooga Howlaha Nabadeynta , sidoo kale waxa uu la Kulmey Odayaasha Dhaqanka oo dhankooda uu kaga Mahad celiyay Howsha ay la qabteen Laamaha Amniga si loo Ilaaliyo nabada waartay ee Xukuumada FS ay ka Dhaqan Galisay Goobahaasi,

Wafdi uu ka mid Yahay Wasiirka Arimaha Guddaha XFS Sabriye Ayaa Deegaanadaa u Tagaya Dhowaan Bogaadinta Howsha Halkaa ka Suurta Gashey waxaana Tilaabadaasi Kaalin mug leh ka Qaatey Ciidamada Qaranka Qaybta 21-aad ee XDS .