Sawirro: Ciidanka ilaalada xeebaha oo sameeyay howl gal cajiib ah

135

Ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa sameeyay dhoolatus cajiib ah, iyagoo soo bandhigay xirfad sare iyo tababar heer sare ah.

Ciidanka Soomaalida ayaa waxay layligan si wada-jir ah u sameeyeen howl-galka Midowga Yurub ee loo yaqaan (ATALANTA Operations), waxaana loo soo gaabiya (VBSS).

Layligan ayaa ku saabsan sida fatashaadda iyo fuulista maraakiibta laga shakiyay ama kuwa ku lugta leh arrimaha sharci darada ah ee ku xad gudba biyaha Soomaaliya.

Dhoola-tuskan ciidanka badda ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo maareen lahaa qaab xirfadeysan ee ay cidanka ilaalada xeebaha ku fuuli karaan maraakiibta.

Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay u yeelan laheyd ciidamo bad oo awood u leh difaaca biyaha Soomaaliya, xilli ay dhawaan heshiis difaac la saxiixatay dowladda Turkiga.

Baarlamaanka Turkiga ayaa sidoo kale meel-mariyay in Turkiga uu Muqdisho u diro ciidamo, kuwaas oo door weyn ka qaadanaya dhismaha ciidanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa badda, sida ay horey ugu heshiiyeen labada dhinac.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu weli halkiisi yahay khilaafka xooggan ee Soomaaliya kala dhaxeeya Itoobiya, kaasi oo salka ku haya is-afgaradkii uu Abiy Axmed la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaasi oo Itoobiya u gacan galinaya qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.