Sawirro: Ciidankii Ahlusunna oo gadooday

122

Ciidankaan ayaa ah kuwii Ahlu-Sunna ee dowladda Soomaaliya ay qarameysay, balse dhowaan ayey ka gadoodeen qorshe ay wadatay dowladdu, taasi oo sababtay in mushaarka laga jarto.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa guutadaan ka soo qaaday Galmudug, waxaana lagu xareeyey xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, waxaana loo sheegay in qalabeyn iyo dib u habeyn lagu sameynayo.

 

Maalmo kadib waxaa ciidankii laga dalbaday in qoryo ay la yimaadaan, hadii kale mushaarka laga jaranayo, waxayna sameeyeen gadood ka dhan ah go’aanka Taliska xoogga.

Waxay sameeyeen banaanbax, ugu dambeyntiina waxay isaga tageen Muqdisho, markii ay xaqiiq sadeen in mushaarkii laga jartay, hubkooda ayey ka sii qaateen magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, waxayna uga gudbeen deegaanka Huurshe oo caawa ay ku sugan yihiin.

Galmudug waxaa ka jirta cabsi la xiriirta in Ahlu-Sunna ay dib u soo noolaato, maadaama ay heystaan fursad ah in ciidamadii daacada u ahaa jiray ay hadda kasoo gadoodeen dowladda, kadib markii laga jartay mushaarka.

Dowladda ayaa ciidankaan si cad ugu sheegtay in mushaarka laga jara doono hadii aysan la imaan qoryo lagu diiwaan geliyo, halka ciidankuna ay ku doodeen in hub aysan heysan, isla markaana looga baxay qorshihii looga keenay Galmudug oo ahaa in la qalabey doono, waxaana bilowday gadood, halka dowladu ay go’aankii ka dhabeysay oo bishaan mushaarkii ka jaratay ciidankaas.

Ciidankaan ayaa qalalaase culus geli kara Galmudug oo hadda gashay xiligeedii doorashada, Ahlu-Sunna ayaa heli karta fursad ay ku gorgortanto, kuna abuurto awood ciidan oo mar kale ka curata deegaanka, hadii deg deg dowladda federaalka aysan u xalin gadoodka ciidanka galabta gaaray deegaanka Huurshe oo fariisin muhiim ah u ah culimada Ahlu-Sunna, isla markaana u uku aasan yahay Sheekh Yuusuf Direed oo sanad kasta bilahaan oo kale siyaartiisa la dhigo.