DAAWO: Dabkii xalay qabsaday Bankiga Dhexe Soomaaliya

2152

Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya dab xalay ka kacay xarunta Bangiga Dhexe ee Sil-silaweyne oo ku taalla degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu saameeyey xafiisyo kooban oo ku yaalla xarunta Bangiga Dhexe, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin goobta tegay.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, iyadoona markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, kadib markii uu gurmad deg deg ah sameeyey maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Duqa Muqdisho oo goob-joog ka ahaa daminta dabkaasi ayaa la hadlay warbaahinta, isagoona ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen.

Cumar Filish ayaa tilmaamay in dabka uusan geysan khasaare sidaa u weyn, islamarkaana si deg deg ah looga hortagay inuu ku sii faafo xafiisyada kale ee muhiimka ah, isagoona shaqaalaha gurmadka deg dega ah ee dab damiska u mahadceliyey.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimada inay guryahooda dhigtaan haamaha oksijiinta leh, oo looga hortagi karo inuu dabku faafo.