SAWIRRO:-Dad careysan oo xiray Isgoyska Sanca ee Magalada

1931

Dadkan careysan ayaa waxaa ay banaanbax ka dhigayaan Isgoyska Sanca ee Magalada Muqdisho,waxana ay xireen Isgoyska, iyaga oo u diidaya inay isticmaalaan Gaadiidka moocyadiisa kala duwan.

Mid ka mid ah banaanbaxayaasha ayaa Warbaahinta Wardoon.net waxa uu u sheegay in sababta ay u banaanbaxayaan ay tahay, kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda ay dileen darawal Mooto Bajaajle ahaa kadibna uu baxsaday.

Dadka banaanbaxa dhigaya oo isugu jira dad waaweyn iyo Carruur ayaa Wadada laamiga ah ee Isgosyka Sanca waxa ay ku gubeen taayaro,iyaga oo sidoo kale dhagxaan waaweyn wadada dhigay si aysan gaadiidka u marin,waxaana ay dalbanayaan in cadaalada la hor keeno dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Wararka qaar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in sidoo kale Ciidamada dowladda ay dhaawaceen laba ruux oo kale oo watay Mooto Bajaaj,waxana ciidamada falkaasi geystay ay ka tirsan yihiin kuwa minashiibiyada,kuwaas oo saakay Isgoyska Sanca ka bilaabay baaritaan ay ku xaqiijinayaan Gaadiidka taargadooda.

Isgoyska Sanca ayaa dhowr jeer waxaa ciidamo ka tirsan dowladda ay si bareer ah ugu toogteen Darawalada Mooto Bajaaj,waxana ka dhashay banaabaxyo rabshado watay, iyada oo ugu dambeyn xal laga gaaray.