Sawirro: DF Somalia oo maanta Afar diyaarad u dirtay Baydhabo

51

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta afar diyaaradood u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfut Galbeed.

Diyaaradahan oo sida shixnado gargaar mucaawino ah ayaa waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dirtay hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA, taas oo dowladda federaalka u qaabilsan arrimaha gargaarka iyo taakuleynta.

Ujeedka gargarkaan ayaa lagu sheegay in shacabka magaladaas uga gaashaantaan abaarta cabsida laga qabo, waxaana hore gargarkaan Soomaaliya ugu deeqay dowladda Shiinaha.

Agasimaha waaxda gargaarka SODMA Sahra Cali Yuusuf oo warbaahinta kula hadashay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa sheegtay in gargaarkan looga jawaabayo baaqii madaxda qaranka iyo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka.

Waxaan halkan maanta ka dirnay afar flight oo aan u dirnay degmada Baydhabo, iyada oo aan ka jawaabeyno baaqii naga soo gaaraya madaxda qaranka iyo shacabka ku dhaqan degmada Baydhabo, iyadoo laga digayo abaaraha ba’an ee hadda la saadaalinayo,” ayey tiri Marwo Sahra Cali

Waxay intaas kusii dartay “Waxaan rajeynaynaa in ay sii socon doonaan baaqyada iyo ka jawaabitaanka hay’adda maareynta masiibooyinka, iyada oo marwalba u taagan inay gargaar bini’aadannimo gaarsiiso dadka Soomaaliyeed ee inta badan abaaraha iyo ilinadu ku habsadaan.”

Tan ayaa bilow u ah ka jawaabida xaaladda ka taagan Baydhabo iyo in shacabkeeda helaan gargaar deg-deg ah, si looga gaashaanto abaarta laga cabsi qabo, sida ay sheegtay hay’adda SODMA, oo ayadu dowladda federaalka Soomaaliya ugu xilsaaran howlahaan.